1371 Views

Mareykanka Oo Mar Kale Shaaciyey Inay Xoojinayaan Hawlgalladda Ammaanka Somalia

Mareykanka Oo Mar Kale Shaaciyey Inay Xoojinayaan Hawlgalladda Ammaanka Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 12,, 2019  –Ballanqaadkaasi ayaa lagu muujiyey Hadal-qoraal oo si wadajir ah looga soo saaray Kulan ay shalay Muqdisho ku yeesheen Saraakiil ka tirsan DFS, Taliyaha Hawlgalladda Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaraadda Afrika ee AFRICOM, Jeneral Thomas Waldhauser iyo Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia, Donald Yamamoto.

Taliyaha AFRICOM iyo Danjiraha Maraykanka waxay ballan qaadeen  inay xoojin doonaan Hawlgalladda Ammaanka ee lagu taageerayo Deganaanshaha Somalia iyo Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia, Donald Yamamoto waxa uu tilmaamay in Taageeradda ay ka geysanayaan Ammaanka Somalai inay qeyb muhiim ah ka tahay  dadaalka Maraykanka ee DFS iyo dadka Soomaaliyeed lagala shaqeynayo Ammaanka iyo Nabadda dalkooda.

Waxa uu intaasi ku daray in Deganaashaha iyo Nabadda Somalia micnaheedu tahay Deganaanshaha dheeriga ee Mandiqadda Geeska Afrika iyo inay dadka Soomaalida awoodaan inay diiradda saaraan  dhismaha Mustaqbal Barwaaqo ah, waasida uu hadalka u dhigay.

Boqolaal Askar Maraykan ah ayaa ku sugan Saldhigyo ku yaalla gudaha Somalia, waxayna fuliyaan Hawlgallo ay Ciiddanka DFS iyo kuwa Hawlgalka AMISOM kaga taageeraan dagaalka ay kula jiraan Alshabaab, kaasi oo bilowday sannadkii 2007-dii.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment