816 Views

Maamulka Gobolka Hiiraan oo si kulul uga hadlay Colaad Beeleedyada

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 20, 2021—Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay dilalka aanooyinka qabiil ah ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay wadada u dhaxeysa Beledweyne iyo Dhuusamareeb.

Guddoomiye Jeyte ayaa ehelladooda uga tacsiyadeeyay Darawalada Gaadiidka oo sida gooni goonida ah loo dilay, waxaana uu tilmaamay in dadka isdilaya ay yihiin kuwo ehel ah oo iswada dhalay.

Waxaa uu ugu baaqay labada Beelood oo Colaada ka dhaxeyso in wax walba ay miiska wadahadalka ku dhaliyaan, isla markaana Maamulka Gobolka Hiiraan uu gacan ka geysan doono.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa degaano hoostaga degmada Matabaan  waxaa kajirta Colaad Beeleedyo,  iyada dhowr qof oo Shacab ah la dilay.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post