1323 Views

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo soo bandhigtay nidaamka casriyaynta Furdooyinka Soomaaliya ee SOMCAS.

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo soo bandhigtay nidaamka casriyaynta Furdooyinka Soomaaliya ee SOMCAS.
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 29, 2021

Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa soo bandhigtay nidaamka casriyaynta Furdooyinka Soomaaliya ee SOMCAS, kaasi oo ku saabsan xeerarka iyo nidaamka kastamka qeybahiisa kala duwan, sida nidaamka xafiisyada kastamadda loo maro, badeecadaha dhoofaya iyo kuwa soo dega, qoondeynta canshuuraha iyo qiimeynta, iyo guud ahaan macluumaadka la xiriira adeega kastamadda caariga ah ee dunida ka jiro.

Munaasabad lagu soo bandhigayay barnaamijkan oo dhawaan la hirgelin doono,  laguna qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulayaasha Furdooyinka Garoonka Aadan Cadde iyo dekadda Muqdisho, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Saraakiil ka soctay Booliska Soomaaliyeed, Agaasimaha guud ee Dakhliga Wasaaradda iyo masuuliyiin kale.

Cabdifutaax Feysal maamulaha Furdooyinka Garoonka Aadan Cadde ayaa ugu horreyn kulanka furay Sidoo kale Agaasime ku xigeenka Rugta Ganacsiga Proff Ciise Maxamuud Xalane oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in nidaamkaan uu meesha ka saari doono musuqa badeecadaha ka soo dego dekadda haddii barnaamijkan la hirgeliyo isagoona ku baaqay in Wasaaraddaha kale ay kala saaraan wixii farsamo iyo adeegyo kale ah.

Maareeye ku xigeenka dekadda Maxamed Axmed Diiriye iyo Maxamed Cabdi Colaad Maamulaha Furdada dekadda Muqdisho ayaa sheegay in arintaan ay tahay tallaabo horey loo qaaday, islamarkaana fududeyn doonto howlaha dekadaha iyo Garoomada.

Taliyaha hogaanka canshuuraha Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdullahi Xasan Bariise ayaa dhiniciisa tilmaamay in barnaamijkan caariga ah uu door weyn ka qaadan doono howlaha dardargelinta canshuuraha.

Jacfar Axmed Maxamed Agaasimaha guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in Wasaaradda juhdi gelisay, barnaamijkan, isagoona tilmaamay in uu yareyn doono faragelinta howlaha Furdooyinka, islamarkaana loo tababari doono dadka aan aqoonin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post