822 Views

Puntland & Koonfur Galbeed oo ka wada hadlay xaaladda dadka la soo musaafuriyay

Puntland & Koonfur Galbeed oo ka wada hadlay xaaladda dadka la soo musaafuriyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 12, 2021=Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta qaabilay Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Koonfur Galbeed kuwaasi oo Puntland u tegay xaaladda dadkii laga soo barakaciyay magaalada Laascaanood.

Wafdiga Wasiirada ah ee ka socda Koonfur Galbeed, ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka la wadaagay dhambaal Mahadcelin ah oo ay Puntland uga wadeen dadka reer Koonfur Galbeed Dowlad iyo Shacaba, kuwaasi oo si weyn uga mahadceliyay sida Puntland usoo dhoweysay dadkii laga soo barakaciyay Laascaanood.

Xubnaha Wasiirada ah ee ka socda Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay halkaasi ka wadaan dadaalo la xiriira sidii si nabad ah degaannada Koonfur Galbeed loogu aoo celin lahaa dadka Somaliland kasoo musaafirisay laascaanood.


Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post