2049 Views

Guddoomiye Mursal Oo Xaflad Sagootin ah Loogu Sameeyay Baydhabo

Guddoomiye Mursal  Oo Xaflad Sagootin ah Loogu Sameeyay Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdsiho | QOL | July 10, 2018 –Xaflad lagu sagootinaayey wafdi uu horkacayo Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Amb Mohamed Mursal Sheikh oo labadii maalin lasoo dhaafay ku sugnaa magalada Baydhabo ayaa lagu qabtay madaxtooyada dowlad deegaanka Koonfur Galbeed Soomaliya

Munaasabad balaaran islamarkana ay kasoo qeyb galeen ku simaha Madaxweynaha jfs ahna Gudomiyaha Golaha Shacabka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ,Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koofur Gaalbeed ,Xildhibano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dowladda Soomaaliya ,Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo qeybaha bulshada ee Magaalada Baydhabo ayaa lagu qabtay xauunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaliya

Fnaaniinta deegaanada Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay suugaan ay uga talo galeen islamarkana ay ku sagootinayeen wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa wafdigan kusoo dhoweeyay magaaladda Baydhabo islamarkana sheegay ka Baaarlamaan ahaan aad u soo dhaweynayan marwalba.

 

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ka maamul ahaan iyo shacabka reer Koonfur Galbeed ay aad ugu faraxsanyihiin Wafdiga soo gaaray magaaladda Baydhabo islamarkana ku sugnaa labadi maalin ee lasoo dhaafay.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa u mahad celiyay shacabka iyo masuuliyiinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isago bulsho weynta dowlad deeganka kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan nabada iyo horumarka degaanadooda.

1 3

2

4

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment