714 Views

War Deg Deg ah: Hanti-dhowraha Qaranka oo qaaday tallaabo ka dhan ah heshiiska shidaalka

War Deg Deg ah: Hanti-dhowraha Qaranka oo qaaday tallaabo ka dhan ah heshiiska shidaalka
____________________________________________________________________________


Axad: February 20, 2022

War-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka  ayaa lagu shaaciyey in heshiiskii ay wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya la gashay shirkadda shidaalka baarta ee Coastline Exploration Ltd, oo laga leeyahay dalka Mareykanka uu yahay mid muujinaya in lagu xad-gudbay shuruucda dalka.

Hantidhowrka ayaa Wasaaradda iyo hay’adaha ay khusayso ogaysiiyay in uu heshiiskaasi yahay waxba kama jiraan, isagoo gal-dacwadeed u gudbiyay Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado ciddii ku lugta lahayd.

Sidoo kale Hantidhowraha ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble kula taliyay in shaqa ka joojin deg-deg ah lagu sameeyo dhammaan shaqsiyaadkii qabyta ka ahaa saxiixa heshiiskaas lagu xaraashayo todoba xirmo oo shidaalka xeebaha Soomaaliya ku jira ah.

Taallaabadaas ayaa khatar mug leh ku ah khayraadka ummadda Soomaaliyeed iyo dhawritaanka dhigaalka hantiyeed ee jiilka mustaqbalka.

Haddaba, XHGQ isaga oo gudanaya waajibaadkiisa Qaran ayaa waxa uu ku wargeliyay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta iyo hay’adaha ay khuseysaba in uu heshiiskaas gabi ahaanba waxba kama jiraan yahay.

Sidoo kale, Xafiisku waxaa uu warqad u gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’addaha ku shaqada leh, si loo hubiyo loogana gun-gaaro haddii ay jiraan falal musuq ah oo saameyn ku leh saxiixa heshiiska sharci darrada ah ee ay ku lugta lahayd shirkadda Coastline Exploration Ltd, iyadoo la tixraacayo shuruucda dalkeenna, U.S. Foreign Corrupt Practices Act (FCPA) iyo shuruucda kale ee caalamiga ah.

Intaa waxaa dheer in XHGQ uu gal-dacwadeed u gudbiyay Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka si ay waajibaadkooda sharciga waafaqsan uga gutaan, natiijada baaristana ay ula wadaagaan ummadda Soomaaliyeed.

Sidaas si la mid ah, XHGQ isaga oo ka jawaabaya codsi ka soo gaaray Ra’iisul Wasaaraha XFS kaas oo ku qotomay in baaris lagu sameeyo heshiiska sharci darrada ah, ayaa Xafiiska waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha XFS la socodsiiyay in uu gutay waajibaadkii arrinkaan kaga aaddanaa.

XHGQ ayaa ku taliyay in Ra’iisul Wasaarahu uu shaqo ka joojin ku sameeyo dhammaan shakhsiyaadka ku lugta leh saxiixa heshiiska sharci darrada ah illaa iyo inta laamaha garsoorka ay waajibaadkooda kaga aaddan ka gudanayaan.

Ugu danbayn Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka waxa uu mar walba u taaganyahay ilaalinta hantida ummadda Soomaaliyeed iyo hubanti-galinta in la dhaqan galiyo shuruucda dalka. Iyada oo taa laga duulayo, waxaan markale xusuusinaynaa hay’adaha Dowladda in ay ka dhawrsoonaadaan ku tagri-falka hantida dadweynaha iyo baalmarka shuruucda dalka.

Office Nairobi Kenya

–DHAMMAAD-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post