765 Views

Shirka Cimilada Adduunka oo ka furmay Glasgow Scotland ee dalka

Shirka Cimilada Adduunka oo ka furmay Glasgow Scotland ee dalka
____________________________________________________________________________

UKTalaado: November 2, 2021

Magaalada Glasgow ee xarunta mandaqada Scotland ee dalka UK waxaa Isniintii si rasmi ah uga furmay Shirka Cimilada Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa khudbad uu furitaanka shirka ka jeediyey ku sheegay in xaaladda isbeddelka cimilada ay halkii ugu xumeyd mareyso, waxaana uu ku matalay bam la fili karo in uu qarxo taas oo kow u noqon doonta dhammaadka adduunka haddii aan caalamku si dhakhso ah wax uga qaban.

Boris ayaa u sheegay madaxda iyo waftida kulanka kasoo qayb gashay in xaaladu cakiran tahay isbeddelka cimiladuna aanu ahayn khiyaali ee uu yahay khatar dhan ah oo jirta.

130 wafdi iskugu jira madaxweenayaal ra’iisul wasaarayaal iyo madaxda hay’addo kala duwan ayaa lagu wadaa in ay meel wax wada dhigaan iyagoo lagu wado in laga xaajoodo waxyaabaha ay wadamadooda ka qabanayaan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post