1164 Views

Dilka saaka ka dhacay Isgoyska Carwo Itko ee magaalada Muqdisho iyo kooxdii gaysatay oo baxsatay.

Dilka saaka ka dhacay Isgoyska Carwo Itko ee magaalada Muqdisho iyo kooxdii gaysatay oo baxsatay.
____________________________________________________________________________

May 3-2021

Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Carwo Itko ee magaalada  ka dhacay Dil loo gaystay qof shacab ahaa oo watay gaari nooca raaxada ah, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dilkaan ay fuliyeen rag ku Hubeysan Bastoolado,. Waxaana la sheegay in ay goobta ka baxsadeen Danbiilayaashii Dilka geestay, waxaana lagu magacaabi jiray Marxuumka la dilay Cimraan Nuur Geedi.

Wararka ayaa sheegaya in markii hore uu dhaawac halis ah soo gaaray Cimraan, balse uu markii dambe u geeriyooday dhiig-bax, sida ay sheegeen Kalkaaliyayaasha caafimaadka.

 Sidoo kale Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee loo toogtay ninkaasi shacabka ahaa, balse meydkiisa ayaa waxaa loo soo qaaday CID-da, si loogu sameeyo baariraano dheeri ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post