3102 Views

Degmada Kaaraaan oo lagu qabtay warshad lagu sameeyo waxyaabaha maanka dooriya

Degmada Kaaraaan oo lagu qabtay warshad lagu sameeyo waxyaabaha maanka dooriya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 25, 2018 – Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay goob lagu farsameyn jiray waxyaabaha maanka dooriya oo ku taal degmada Kaaraan.

Ciidamadan ayaa xiray raggii karin jiray Calaqa iyo dad ka iibsan jiray oo si suuq madow u gelin jiray magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in goobtan ay ka mid aheyd goobaha ugu weyn ee magaalada lagu diyaariyo Calaqa oo nooc ka mid ah waxyaabaha maanka dooriya.

Goobta lagu diyaarinayay waxyaabaha maanka dooriya ee calaqa ayaa loogu tagay fuustooyin caag ah oo ay ka buuxeen calaq fara badan.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan C/fataax Yaanyo ayaa sheegay in goobtan ay aheyd xaruntii ugu weyneyd ee lagu sameeyo waxyaabaha maanka dooriyo.

Waxyaabaha maanka dooriya ayaa qeyb ka ah falalka amni daro ee ay lla tacaalaan ka hortagideeda ciidamada amniga.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment