2097 Views

Gaari siday walxaha qarxa oo lagu qabtay Cabudwaaq

Gaari siday walxaha qarxa oo lagu qabtay Cabudwaaq
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 16, 2018 –Wararka naga soo gaaraya magaalada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa, sida ay ku soo warameen Saraakiisha amaanka qaabilsan.

Gaariga, ayaa lagu qabtay Kontoroolka laga soo galo magaalada, Waxaana xogtiisa biixyay Shacabka ku dhaqan Cabudwaaq oo shaki muujiyay gaariga iyo dadkii watayba.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in sidoo kale xabsiga la dhigay shaqsiyaadkii watay gaariga, Kuwaasoo laamaha amaanka ay weydiinayaan halka lagu waday waxyaabahan qarxa ee gaariga ka buuxay.

Saraakiisha amniga iyo maamulka Cabduwaaq, ayaa la filayaa in Saacadaha soo socdo ay faahfaahin dheerada ah ka bixiyaan xogta ay ka heleen dadka gaariga watay ee gacanta lagu hayo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment