882 Views

Soomaali ku dhibaateysan gudaha Libya

Soomaali ku dhibaateysan gudaha Libya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 03, -2019 —Soomaali farabadan ayaa xilligaan ku dhibaateysan gudaha Xerooyin Qaxooti oo ku yaalla dalka Libya, kadib markii lagu amray inay isaga baxaan Xerooyinkaas, xilli ay filayeen in la geeyo goobo kale oo amaankooda wanaagsan yahay.

 

Qaar kamid ah dadkaasi ayaa waxaa ay sheegeen in dhibaatooyinka heysta ay kamid yihiin Xerada ay ku nool yihiin ee ku taalla Magalada Tripoli loo diiday inay ka baxaan si Hay’adda UNHCR ay u geyso wadamo kale ama ay dalkooda ku laabtaan.

 

 

 

Cibaado Xuseen Yuusuf oo kamid ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Libya ayaa sheegtay in 23 Qof oo Soomaali ah oo ay kamid tahay loo qoray diidmo ama inay kamid noqdaan dadka UNHCR daryeel u fidiso geysana dalal kale.

 

Waxa ay sheegtay, iyada oo la hadleysay Idaacadda Voa-da  in ka Soomaali ahaan aysan heysan dad u gurmado,ha ahaato safaarada Soomaaliya ee dalkaasi Libya iyo dad kale,isla markaana dad iyaga la joogay xerada ay ku sugan yihiin la geeyay dalal kale sida Rwanda.

 

Ugu dambeyn waxaa ay ugu baaqday Madaxda Dowladda Federaalka sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay gurmad u soo fidiyaan,isla markaana ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ku heysta dalka Libya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment