3516 Views

Shir lagu midaynayo canshuuraha wadanka oo ka dhacay Nairobi

Shir lagu midaynayo canshuuraha wadanka oo ka dhacay Nairobi
____________________________________________________________________________

Nairobi | February 12, 2017 – Shir afar maalmood soconaya oo ku saabsan sidii sharciyada canshuuraha wadanka loo midayn lahaa oo Nairobi lagu qabtay

Guddi ka kooban qaybaha maaliyadda ee maamul goboleedyada iyo dawladda Federaalka ayaa shir uga furmay magaalada Nairobi. Shirkaan oo afar maalmood socon doona ayaa looga doodi doonaa habka ugu fudud ee loo heli kara hanaan midaysan oo lagu qaado canshuuraha wadanka. Guddiga ayaa xooga saaraya sidii ay u qiimayn lahaayeen kala duwanaanshaha dhinaca canshuuraha iyo saamaynta ay ku leedahay hanaanka dhaqaale ee dadka iyo dawladda.

Farxaan Cali Maxamuud oo ah xiriiriyaha guddigaan ayaa warbaahinta u sheegay in shirkaani daba socdo kulamo soo socday sanadihii la soo dhaafay, kaasoo looga xaajoonayo sidii lagu heli lahaa qaab midaysan oo dekedaha, garoomada iyo meelaha kale ee wadanka wax ka soo galaan canshuuraha laga qaado looga dhigi lahaa kuwo isku mid ah, loona heli lahaa sharci guud oo wadanka ka dhaqan kala.

Cismaan Buux Cali oo ah agaasimaha dekedaha Puntland oo guddiga ka mid ah, shirkana ka qayb galaya ayaa warbaahinta u sheegay in muhimada arrintaani leedahay tahay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha iyo ganacsiga wandka, ayna tahay haddii la meel mariyo hanaan sharci oo dhinaca canshuuraha ah wadankoo dhanna ka dhaqan gala mid xoojinaya isku xirka maamulka dalka.

Cabdicasiis Maxamed Xuseen oo ah isna agaasimaha waaxda miisaaniyadda ee maamulka Galmudug oo ka mid ah guddigaan ayaa warbaahinta u sheegay in ganacsiga dadka soomaaliyeed ka dhaxeeyaa uu ka madax banana yahay siysaasadaha iska soo horjeeda, laakiin helista sharci guud uu xoojinayo xiriirkii ganacsi ee jiray.

Shirkaan oo soconaya afar maalmood, ayaa guddigu kaga doodayaa caqabadaha jira iyo sidii loo heli lahaa xal ay dhamaanmaamuladu isla ogol yihiin. Shirkaan waxaa ka qayb galayaa agaasimayaasha wasaaraddaha maaliyadda ee Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland iyo Dawladda Federaalka. Waxaa kaloo xubno ka ah guddigaan saraakiil ka kala socota garoonka diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho iyo Dekedaha Puntland.

Abukar Sheekh Axmed Mursal ah madaxa canshuuraha ee garoonka Aadan Cabdule ee Muqidisho ayaa sheegay in sharci lagu midaysan yahay oo la helo uu kor dhinayo isku xirnaanta wadanka iyo kal war qabka dhinaca isu socodka iyo dakhliga soo galaya.

 Waxaana jira khubaro caalamiya oo dhinaca dhaqaalaha ah iyaguna talooyin farsamo siinaya guddigaan inta shirku socdo.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online, Muqdisho

__________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment