951 Views

War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka oo walaac looga muujiyey khilaafka Rooble iyo Farmaajo

War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka oo  walaac looga muujiyey khilaafka Rooble iyo  Farmaajo
____________________________________________________________________________

Talaado: September 7, 2021

 War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa walaac looga muujiyey khilaafka Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil, waxayna madaxda ugu baaqeen inay xiisadda dejiyaan oo diiradda la saaro doorashooyinkii socday.

Qoraalkaan ayaa lagu amaanay hoggaaminta Ra’iisul Wasaare Rooble, waxayna beesha caalamku cadeysay inay taageereyso in baaritaan lagu kalsoonaan karo lagu sameeyo kiiska Ikraan Tahliil, sidoo kalena dib dhac dambe laga dhowro dhamaystirka doorashada dalka.

Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka oo dhameystiran

Muqdisho, 7 Sebtembar 2021 – Saaxiibada Beesha Caalamku* waxay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeyn karana hannaanka doorashada.

about:blank Waxaan ku boorineynaa madaxda Soomaalida inay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaankan, gaar ahaanna ay ka fogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii Maajo ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo garwaaqsan horumarka ilaa iyo hadda ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka oo hoos yimaada hoggaaminta wax ku oolka ah ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaan sii wadaynaa xiriirka aan la yeelano madax Soomaaliyeed oo badan si aan ugu boorinno in si degdeg ah loo xalliyo khilaafkan, oo ay ku jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan waayitaanka Ikraan iyo dhammaystirka geeddi socodka doorashada iyada oo aan dib u dhac kale dhicin.

 Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Netherland, Norway, Poland, Qatar, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post