285 Views

Shirka amniga gobolka Bari oo Go’aano adag laga soo saaray

Shirka amniga gobolka Bari oo Go’aano adag laga soo saaray
____________________________________________________________________________

Waxaa Maanta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari lagu qabtay Shirka Amniga gobolka Bari, waxaana  ka qayb galay Taliyaha ciidanka Boliiska Puntland, Guddoomiyaha gobolka Bari, Duqa degmada Boosaaso,Taliyaha ciidanka Daraawiishta,Taliyaha nabad sugidda,wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo saraakiil kale.

Shirka intii uu socday ayaa dhinacyadu waxaa ay isla falan qeeyeen sida wax looga qaban karo xaaladda amni ee Gobolka bari, waxaana ay kasoo saareen go’aano la xiriira dhanka amniga, kuwaas oo kala ah.

1-Guddiga amniga wuxuu dardargalin iyo xoojin amni ka bilaabay guud ahaan Gobolka Bari gaar ahaan magaalada Boosaso si Al-Shabaab & Daacish looga saaro gacantana loogu soo dhigo kuwii fuliyey falkii lagu beegsada shirkadda ganacsiga Al-macruuf xarunteeda Boosaaso.

2- Hayádaha Amnigu waxay aqoonsadeen ciddii lahayd fikradda falkii ka dhacay Shirkadda Almacruuf waxaana wax looga qaban doonaa sida ugu dhaqsaha badan.

Guddiga Amnigu wuxuu farayaa Maamulka, masuuliyiinta iyo mulkiilayaasha shirkaddaha ganacsiga iney wadashaqayn la yeeshaan Hay’addaha amniga Puntland ee ka hawlgala magaalada Bosaso, si ay ula wadaagaan wixii culays amni la xiriira ee ku soo kordha shirkaddaha iyo shaqaalohooda.

Guddiga Amnigu wuxuu farayaa shirkadaha ganacsiga in ay wax ka bedelaan habka amnigooda gudaha sida ilaalada xarumaha ganacsiga, Kaamirooyinka qarsoon(CCTV), sidoo kale waa iney dab-damis u sameyaan xarumoohada.

Go’aanadaan kasoo baxay Shirka Amniga Gobolka Bari ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Magaalada Boosaaso ay ka dhaceen falal amni darro, iyada oo laamaha Amniga Puntland ay ku raad joogaan dadkii geystay falalkaas.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post