1197 Views

Hillary Clinton oo ku howlan filim ka careysiinaya Turkiga

Hillary Clinton oo ku howlan filim ka careysiinaya Turkiga
____________________________________________________________________________

Feb: 19/2/2021

Hillary Clinton, oo horay wasiirka arrimaha dibadda uga soo noqotay Mareykanka iyo gabadheeda Chelsea ayaa la wareegay xuquuqda gaarka ah ee filim ahaan loogu baddalayo buugga lagu magacaabay “Gabdhihii Kobane”, kaasoo uu qoraa Mareykan ah uga sheekeeyay qisooyinka ku saabsan gabdho kurdiyiin ah oo loo ciidameeyay si ay ula dagaallamaan IS.

Mrs Clinton ayaa damacsan in filim musalsal ah laga jilo qisooyinka dumarkaas oo la sheegay in ay “hubka u qaateen si ay gabdhaha kale uga difaacaan kooxaha xagjirka ah”.

Sanadkii 2012-kii ayey ahayd markii haweenkaas lagu daray xoogagga mucaaradka Suuriya ee uu taageerayay Mareykanka.

Hase yeeshee, markii uu soo baxay warka ku saabsan in qoyska reer Clinton ay buuggaas u baddalayaan filim, dadka qaar way soo dhaweeyeen qaarna way dhaleeceeyeen, arrintaasna waxay abuurtay dood culus iyo caro ay ka muujiyeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka Turkiga.

Maxaa ka careysiiyay Turkiga?

Inkastoo fikradda Clinton ay soo dhaweeyeen dad badan oo ku kala sugan dunida daafaheeda, ma aha mid ay ku farxeen dadka Turkiga ah ee u ololeeya arrimaha qarannimada.

Dowladda Turkiga ayaa dagaalyahannada Kurdiyiinta meel kasta oo ay joogaan u aqoonsan in ay yihiin koox argagixiso ah.

Fatih Erbakan – oo ah wiilka uu dhalay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Turkiga, Necmettin Erbakan – haddana hoggaamiya xisbi ka dhisan Turkiga, ayaa arrintan uga hadlay muuqaal uu soo duubay oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

“Bal eeg sidan ayey u fakarayaan Mareykanka aan xulafada nahay. Waxay qorsheynayaan in ay filim musalsal ah ka sameeyaan buugga ka sheekeynaya kooxda kurdiyiinta ah ee argagixisada ah, waxa tallaabadaas sameynayana waa shakhsiyaad heer sare ah oo magac ku leh Mareykanka.” Ayuu ku yidhi farriintiisa.

Wuxuu intaas ku daray: “Tani waxay caddeyn u tahay in Mareykanka uusan Turkiga u arkin saaxiib muhiim ah.

Siyaasiyiin kale ayaa dowladda Turkiga ugu baaqay in ay jawaab kulul ka bixiso tallaabada ay qaadday Hillary Clinton: “Turkiga waa inuu si adag uga soo hor jeesto in la aqoonsado ficil noocaas oo kale ah.”

Waxaa xusid mudan in xukuumadda Ankara ay dhammaan xoogagga Kurdiyiinta, ha ahaadaan guutooyinka ragga ah ama kuwa dumarka ahba, ay u aragto in ay qeyb ka yihiin dhaqdhaqaaqa Kurdiyiinta ee muddo 40 sano ah u dagaallamayay in ay ka go’aan Turkiga intiisa kale.

Maxaa lagu doortay filimkan?

Shirkadda wax soo saarka ee ay leeyihiin Hillary Clinton iyo gabadheeda Chelsea ayaa sheegtay in filimkan ay u door bidday si ay u muujiso dadaalka ay xoogga ku saareyso awood siinta iyo dhiirrigalinta dumarka ku nool caalamka oo dhan.

Clinton ayaa go’aan ku gaartay in tallaabadan ay noqoto mid indhaha dadka oo dhan soo jiidata, sidaas darteedna waxay xulatay in ay diiradda saarto qisada gabdhaha Kurdiyiinta ah ee dowladdeedu ay sida weyn u taageereysay sanadkii 2015-kii, markaas oo ay Hillary ahayd wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Sidoo kale Clinton waxay sheegtay in sababta ay dumarkan u dooratay ay tahay “maadaama ay sheekadooda tahay mid waadix ah oo muujineysa sida ay uga soo horjeesteen hab-dhaqanka xun ee lagu hayay, ayna go’aansadeen in ay dhammaan furimaha kala duwan uga barbar dagaallamaan ragga, iyagoo dhulkooda ka difaacaya kooxaha mintidiinta ah, sida Jabhat al-Nusra iyo IS.

 Ujeeddada kaliya ee ay hubka u qaateen waxay ahayd si ay ugu dagaallamaan xorriyadda haweenka, sinnaanta iyo caddaaladda”, ayey tidhi Clinton

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post