978 Views

SAWIRO:-Shir ay ka qeyb-galayaan Wafdi ka socda KG & Jubbaland oo ka furmey Garoowe

SAWIRO:-Shir ay ka qeyb-galayaan Wafdi ka socda KG & Jubbaland oo ka furmey Garoowe
____________________________________________________________________________

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si rasmi ah Manta uga daah-furay Magaalada Garoowe Shirweynaha 5-aad ee dib-u-eegista Waxbarashada Puntland.

 

Shirkan oo ah mid sanadle ah oo hal kudhigiisuna sanadkan yahay (Baahinta Waxbarasho Tayeysan oo loo Dhanyahay), waxaa Puntland kala qeybgalay masuuliyiinta Waxbarashada ee Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Galmudug.

 

 

 

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan Madax ka socoto Hayadaha Global Education Partnership Mr. Morten Sigragade, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, Madaxa arrimaha Waxbarashada Midawga Yurub ee Soomaaliya, Hay’adda UNICEF, Care International iyo Hay’addo kale. ayaa la soo geb-gabeyn doonaa Maalinta berito ah, iyada oo  la filayo in laga soo saro qodobo dhowr ah.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment