612 Views

Ole Gunner Solskjaer oo si maldahan u sheegay in kooxda Manchester United ay kasoo baxdey toddobaad adag

Ole Gunner Solskjaer oo si maldahan u sheegay in kooxda Manchester United ay kasoo baxdey toddobaad adag
____________________________________________________________________________


Talaado: November 2, 2021

Ole Gunner Solskjaer, ayaa si maldahan u sheegay in kooxda Manchester United ay kasoo baxdey toddobaad adag, kadib markii ay guul ka gaartey kulankii ay la yeelatey kooxda Tottenham.

Guushani ayaa waxey farriin adag u direysaa kooxda Liverpool, taasoo ku dhufatey 5-0 kooxdan Manchester United.

Christian Ronaldo, ayaa ahaa xidigii ciyaarta, kaasoo jawaab buuxda ka bixiyey guul daradii 5-0 aheyd, ee ay Liverpool toddobaadkii hore kala dul dhacdey ciyaartii garoonka Old Traffold ee labada kooxood, taasoo keentay in su’aalo badan la iska weeydiiyo mustaqbalka tababare Solskjaer.

Solskjaer ayaa wali dhax dabaalanaya xiliyadiisii ugu adkaa ee laylinta kooxda Manchester United, laakiin ciyaaryahan Ronaldo ayaa u fududeeyey macalinkiisa, kadib markii uu kubad uu ka helay Bruno Fernandes dhex dhigay shabaqa lix daqiiqo kahor qeybta nasashada, kadibna baas uu ka helay Edinson Cavani, hal ilbiriqsi kadib 64 daqiiqo.

Tababarahan u dhashey dalka Norway ee Ole Gunner Solskjaer, ayaa sheegay in waxa ugu muhiimsan haatan iney tahay taageerayaasha iyo ciyaartooyda iney midoobaan, maadaama ay kooxdiisu badisay markii uggu horeysay shan kulan oo kamid ah horyaalka Ingiriiska.

Isu jawaabista ayaa u muuqata mid ka timid guul daradii toddobaadkii hore lasoo gudboonaatey kooxa Manchester United, iyadoo kooxdu ay ku dadaaleyso sidii ay ugga aar gudan laheyd Liverpool.

Labada koox ee Manchester United iyo Liverpool, ayaa waxaa ka dhaxeeya xifaaltan soo jiitamayey muddo dheer, iyadoo ay Liverpool ka adkaatey dhawaan kooxda Manchester United.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post