1104 Views

Fanaankii Caanka ahaa ee Cabdi Qaboojiye oo geeriyooday

Fanaankii Caanka ahaa ee Cabdi Qaboojiye oo geeriyooday
____________________________________________________________________________

Waxaa la xaqiijiyay in Magaalada Oslo Ee Caasimada Dalka Norwey uu  ku geeriyooday Fanaankii Caanka ahaa ee Cabdi Jaamac Caabbi (Cabdi Qaboojiye) oo todobadyadii la soo dhaafay uu hayay Xanuun aad u daran, isla markaana Ibsitaal la jiifiyay.

Ehelada Marxuumka ayaa xaqiijiyey Geerida Cabdi Qaboojiyem waxaana todobaadyo ka hor Muuqaal uu iska soo duubay Qaboojiye ayuu Soomaalida kaga dalbanayey inay usoo duceeyaan Xanuunka hayey Awgeedna laga dareemayey.

Alle ha u Naxariistee Cabdi Qaboojiye ayaa waxaa uu ku dhashay Magaalada Burco Ee Caasimada Gobolka Togdheer,isagoo dugsiga dhexe iyo Kan sare kusoo kala qaatay Magaalooyinka Burco iyo Muqdisho sida uu hore ugu sheegay Wareysi laga qaaday.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgarsiinta Soomaaliya Cismaan Abuukar dubbe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Fanaankii Caanka ahaa ee Cabdi Qaboojiye, isaga oo sheegay in uu ahaa Shaqsi qiime badan iyo cod macaan oo qalbiyada qaboojiya.

Innaalilahi waa innaa ileyhi raajucuun: Waxa goor dhoweyd Magaalada Oslo ee waddanka Norway ku geeryooday fannaankii bulshaawiga ahaa ee Cabdi Jaamac Caabbi (Cabdi Qaboojiye). Cabdi oo aan aad u aqaannay wuxu lahaa shakhsiyad qiime badan iyo cod macaan oo qalbiyada qaboojiya. Waxan ka tacsidaynayaa qoyskiisii, saaxiibadii iyo bahda fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Ilaahay ha u naxariisto Cabdi Qaboojiye. Aamiin

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post