180 Views

Militeriga Ruushka oo sheegay inay qabsadeen magaalada qaniga ku ah cusbada ee ku taalla Ukraine ee Soledar kadib dagaal xooggan oo halkaas ka dhacay.

Militeriga Ruushka oo  sheegay inay qabsadeen  magaalada qaniga ku ah cusbada ee ku taalla Ukraine ee Soledar kadib dagaal xooggan oo halkaas ka dhacay.
____________________________________________________________________________

Sabti: January 14, 2023

Militeriga Ruushka ayaa sheegay in uu qabsaday magaalada qaniga ku ah cusbada ee ku taalla Ukraine ee Soledar kadib dagaal xooggan oo halkaas ka dhacay.

Waxay ku tilmaameen tallaabo muhiim u ah dagaalka ay kula jiraan ciidamada Ukraine.

Guushan waxay ciidamada Ruushka u ogolaaneysaa inay u jiheystaan dhinaca magaalada Bakhmut isla markaana ay go’doon geliyaan ciidamada Ukraine ee ku sugan halkaas, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Ruushka.

Dhinaca kale, saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in dagaal uu weli ka socdo magaalada Soledar iyagoo Ruushka ku eedeeyay in uu baahinayo war aan loo baahneyn.

Dagaalka ka socda magaalada Soledar wuxuu kamid ahaa dagaalladii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Ukraine.

Soledar waamagaalo yar, waxaa ku nool dad gaaraya 10,000 qof, waana magaalo muhiim ah.

Haddii la xaqiijyo in Ruushka uu qabsaday magaalada waxay guul muhiim u tahay aqalka Kremlin-ka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post