1131 Views

Kulan looga hadlayay la dagaalanka Al-Shabaab oo lagu qabtay G/Mudug

Kulan looga hadlayay la dagaalanka Al-Shabaab oo lagu qabtay G/Mudug
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 09, 2021 —Kulankaan oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kala duwan iyo Saraakiil Ciidan loogana hadlayay wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa lagu qabtay degaanka Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Senator Cabdi Qeybdiid, Wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi, Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr Mahad Caabi Ciise, Maamulka Gobolka Mudug kan degmada Wisil, odoyaal iyo Culimo Owdiinka degaanka Wisil.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu magacaabay gudiga Taakulaynta iyo Abaabulka Ciidamada kaas oo ka Kooban 11 xubnood, isla markaana uu Guddoomiye u yahay Sheekh C/manaan Sheikh Maxamed Cismaan oo ka mid ahaa Culimada gobolka Mudug.

Kulankan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli bilihii la soo dhaafay howlgallo ka dhannah Ururka Al-Shabaab ay ka socdaan Gobolka Mudug, isla markaana Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay Al-Shabaab kala wareegeen degaano dhowr ah.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post