1422 Views

Madaxweyne Erdogan oo markii ugu horaysay la hadlay madaxweyne Macron kadib Qilaaf..

Madaxweyne  Erdogan oo markii ugu horaysay la hadlay madaxweyne Macron kadib Qilaaf..
____________________________________________________________________________

3-da Marso, 2021

 Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron in wadashaqeyn dhex marta labadooda waddan ay yeelan karto “saameyn aad u weyn” maadaama dalalkan ka wada tirsan isbahaysiga NATO ay hadda isku dayayaan in ay dib u hagaajiyaan xiriirkooda xumaaday sanadkii lasoo dhaafay.

Bayaan uu madaxweyne Erdogan soo saaray Talaadadii ayuu ku sheegay in uu Mr Macron ku wacay muuqaal, ayna ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in la wanaajiyo xiriirkooda diblomaasiyadeed.

“Maadaa aan nahay labo dal oo awood leh, qeybna ka ah gaashaanbuurta NATO, waxaan wax weyn ku kordhin karnaa nabadda, xasiloonida iyo dadaallada nabadeed ee ka socda caalamka – laga billaabo Yurub ilaa Caucasus, Bariga Dhexe iyo Afrika,” ayuu yidhi Erdogan.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in sanadka 2021-ka uu noqday mid ku asteysan heshiiska ay xukuumadda Ankara ku oggolaatay in ay dib usoo nooleyso cilaaqaadka Turkiga iyo Faransiiska, isagoo intaasna ku daray in labada waddan ay hadda leeyihiin “wadashaqeyn dhab ah, rajo fiicanna leh”.

Erdogan ayaa carrabka ku adkeeyay in Paris iyo Ankara ay si wadajir ah ula dagaallami karaan “argagixisada”, taasoo uu sheegay in ay khatar ku heyso shacabka labada waddanba.

“Waxaan ku rajo weyn nahay in Turkiga iyo Faransiiska ay si dhow isula eegi doonaan dhammaan arrimahan,” ayuu yidhi.

Siduu ku dhammaaday Khilaaf shakhsi ahaaneed oo labada madaxweyne ka dhaxeeyay?

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii, Turkiga iyo Faransiiska ayaa marar badan hawada isu mariyay hadallo kulul oo ku saabsan arrimaha ka taagan caalamka, oo ay ku jiraan dagaallada Suuriya, Liibiya, Nagorno-Karabakh iyo xaaladda Bariga Badda Mediterrabiean-ka.

Laakiin labada dowladood ayaa bishii lasoo dhaafay ku dhawaaqay in ay ka shaqeynayaan sidii ay dib caadi ugu soo celin lahaayeen xiriirkooda.

Bishii January, labada madaxweyne ayaa isweydaarsaday warqado ay ku oggolaadeen in ay yeeshaan wadahadallo lagu soo celinayo xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Erdogan ayaa markaas farriin ku saabsan sanadka cusub u qoray Macron, isagoo uga tacsiyeeyay khasaarihii Faransiiska kasoo gaaray dhowr weerar oo laga geystay sanadkii lasoo dhaafay.

Macron ayaa isagana ugu soo jawaabay warqad “aad u habboon”, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay kulan uu la yeesho Erdogan, sida ay warbaahinta maxalliga ah kasoo xigteen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu.

Jawaabtii kasoo baxday Macron ayaa horseedday in lasoo nooleeyo “wadatashiyadii labo dhinaclaha ahaa ee ay labada waddan ka lahaan jireen arrimaha argagixisada iyo xaaladaha gobolka sida dagaallada Suuriya, Liibiya iyo waliba iskaashiga dhinaca waxbarashada,” sida ay sheegeen saraakiil Turki ah.

Isku dhaca labada nin ayaa xoogeystay sanadkii lasoo dhaafay kaddib markii bishii September uu Macron shirkada hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub uga hadlay muranka ka taagan Bariga badda Mediterranean-ka ee u dhaxeeya Turkiga iyo Giriigga, isagoo sheegay in “shacabka Turkiga ay u qalmaan wax kale”, taasoo ka dhigneyd in uu la saftay Giriigga.

Ankara oo hadalkaas si weyn uga carootay ayaa Macron ku eedeysay in uu faraha lasoo galay arrimahooda gaarka ah ee qarannimo.

Bishii October, Macron ayaa sheegay in Islaamku “uu ku jiro xasarad” marka la eego guud ahaan dunida, dunida Muslimka ayaana hadalkaas uga jawabatay caro weyn, iyadoo lagu baaqay in la joojiyo iibsashada badeeyooyinka Faransiiska.

Erdogan ayaa kusoo biiray baaqaas, wxuuna labo jeer oo kala duwan sheegay in Macron uu u baahan yahay in lagu sameeyo baahitaan dhinaca dhimirka ah. Hadalkaas ayaa sababay in dowladda Faransiiska ay Bishii October u yeerato safiirkeeda u fadhiyay Turkiga, iyadoo erayada Erdogan ku tilmaantay “wax aan la aqbali karin”.

Erdogan ayaa sidoo kale Macron ku eedeeyay inuu kicinayay “Islaam nacayb” wuxuuna shacabka Faransiiska ka codsaday in ay “sida ugu dhakhsiyaha badan xilka uga qaadaan”.

Xiisadda ku saabsan Faransiiska iyo Muslimiinta ayaa dhalatay markii dalkaas lagu bireeyay macallin ardaydiisa usoo bandhigay wax lagu sheegay in uu ahaa sawir laga sameeyay Nabi Muxammad, NNKH.

.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post