645 Views

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo ka qeyb galay shir looga hadlayay ka hor taga fatahaadaha Gobolka Hiiraan

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo ka qeyb galay shir looga hadlayay ka hor taga fatahaadaha Gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

June 10 2021

Shirkan oo ahaa Mid looga hadlayey Xal uhelida iyo xog aruurinta Fatahaada Wabiga Shabeelle ayaa Lagu qabtay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaana soo qaban qaabiyey Hay’ada Niis Foundation.

 Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan, Masuuliyeen ka tirsan ka tirsan gudiga Fatahaada Baladweyne, Enjineero ayaa ka qeeyb galay shirka oo ahaa mid muhiimad gaar ah uleh Bulshada Magaalada Baladweyne.

 Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryeyna Maamulka Hirshabeelle Jaamac Xuseen Xaanshi ayaa Masuuliyeenta Hay’ada Niis usoo bandhigay Meelaha ugu daran ee ubaahan ee wax laga qabto kuwaas oo is kugu jiro meelo oo ka jelecsan yahay wabiga shabeelle,iyo meelo ubaahan buundooyin, qashin saar.

 Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa Hay’ada Niis Foundition uga mahad celiyey dadaalada ay wadaan oo ku aadan xal uhelida fatahaadaha kusoo noq noqday Gobolka Hiiraan.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in dadaaladii ay sameeyen Dadka deegaanka ay wax badan ka qabteen 2 sano ee ugu danbeeyey fatahaadii saameeyen jiray Gobolka 6 sano ee ugu danbeeyey, sidoo kalena Hishabeelle ay ka qeeyb qaadaneeyso wax walba oo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa fatahaada,

OFFICe Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post