1992 Views

Qoys Kenyan ah oo shaaciyay magaca askari looga dilay dhoobleey

Qoys Kenyan ah oo shaaciyay magaca askari looga dilay dhoobleey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Mqy 12, 2018 –  Qoys ku nool Gobolka Kilifi ee Dalka Kenya ayaa shaaciyay magaca mid ka mid ahaa 12 Askari oo lagu dilay Degaanka Dhoobleey ee Gobolka Jubada hoose.

Henry Matano,waxaa uu ahaa 51 jir ka tirsanaa Ciidanka Kenya ee Soomaaliya jooga,waxaa uu ka mid noqday Askar ku dhimatay Qarax ka dhacay Dhoobleey .

Rachel Hare, oo ah xaaska  Askariga geeriyooday ayaa sheegtay in dhimashada ay qoran tahay oo aysan celin karin,waxa ugu adag ee ay ka fakaraysana ay tahay waxbarashada 5; carruur ah oo uu ka tagay Henry Matano.

Kombo Mwasudi,waxaa uu saaxiib la ahaa askariga dhintay,waxaa uu sheegay in dhimashadiisa ay u sheegeen Askar Taleefan kala soo xiriirtay oo ku wargelisay geeridiisa.

Labo qoys oo kale oo Reer Mombasa ah ayaa sheegay in iyaguna ay labo Askari uga dhinteen weerarkii ka dhacay Degaanka Dhoobleey ee Gobolka Jubada hoose.

Weerarkaas waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay AL-shabaab oo intaas ku daray in ay ku dileen 15 Askari,laakiin dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ku dhinteen 9 Askari.

Ehelka Askarta ayaa hadda sheegaya in ay weerarka Miinada ahaa ee ka dhacay Dhoobleey ay ku dhinteen 12 Askari kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment