234 Views

Ciidanka Ammaanka Puntland oo sheegay in la dilay Madaxii hawl-galada kooxda Khawaarijta Daacish ee gobolka BariAbu-Albara Al Amani.

Ciidanka Ammaanka Puntland oo  sheegay in la dilay Madaxii hawl-galada kooxda Khawaarijta Daacish ee gobolka BariAbu-Albara Al Amani.
____________________________________________________________________________

Axad: January 15 2023  

Ciidanka Ammaanka Puntland ayaa sheegay in la dilay Madaxii hawl-galada kooxda Khawaarijta Daacish ee gobolka Bari, Abu-Albara Al Amani.

War ka soo baxay taliska Boliiska ayaa lagu sheegay in Abuu Albara lagu dilay  weerar Khawaarijtu ku qaadday Balli-dhidhin oo ka tirsan Gobolka Bari, abaare 01:00 Habeenimo 12kii Bishaan January.

“Iska hor-imaadka ayey Ciidanka amniga Puntland ku dileen Madaxii hawl-galada Maleeshiyada Daacish Abu-Albara Al Amani kaas oo xilkaan ay u magacaabeen 11kii, July 2021 xilligaas oo la dilay madaxii hore ee hawl-galada Daacish Abuu Waliid Al-muhaajir” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Boliiska.

Dhagar qabe Abu-Albara ayuu Boliiska Puntland sheegay inuu ka soo jeedo Gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia isla markaana uu Ethiopian badan ku qasbay in ay Khawaarijta Daacish ku biiraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post