903 Views

Wadayaasha Mootooyinka Bajaajta ee degmada Guriceel oo banaanbax dhigay

Wadayaasha Mootooyinka Bajaajta ee degmada Guriceel oo banaanbax dhigay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 24. 2020–Inta badan Wadayaasha Bajaajta ka shaqeeya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta waxaa ay dhigeen dibadbax Kobani,,iyaga oo sidoo kale sameeyay Shaqa joojin.

Darawaliinta Bajaajta ayaa waxaa ay sheegeen inay ka cabanayaa cadaadis ay sheegeen in ay ku hayaan Ciidamada Booliiska ee Degmada ka howlgala,iyaga oo baaq u diray Madaxda Sare ee Galmudug.

Qaar kamid Bajaajleyda oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in, iyaga oo si joogta ah u bixiya Canshuurta gaadiidka laga qaado hadana lagu hayo caga-jugleyn dheeri ah sida in loo diido in ay dadwaynaha ka qaadaan ama ku dajiyaan Laamiga , in laga furay daahyada iyo sameecadaha iyo in laga qaado ganaax ka bilaawda $20 oo aysan awood u laheyn in ay dhiibaan .

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada ay kusoo baxeen cabashada Bajaajleyda,iyaga oo u sheegay in wax laga qaban doonaan.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Wadayaasha mootooyinka Bajaajta ee Magaalada Cadaado ay dhigeen banaanbax,iyaga oo sheegay in lacago Canshuur dheeraad ah lagu soo kordhiyay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post