2634 Views

Al-Shabaab Oo Beeniyey Hadal Kasoobaxay DF

Al-Shabaab Oo Beeniyey Hadal Kasoobaxay DF
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 12  November 2017 –Al-Shabaab ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay warar ay baahisay dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ahaa in Ciidamada dowladda iyo Saaxibo Caalami ah inay bur buriyeen xarumo Shabaabka ku lahaayeen degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dh

War qoraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu beeniyay warka uu baahiyay wasiirka wasaarada warfaafinta ee dowlada federaalka Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay been abuur  lagu qarinayo guuldarooyin ciidamada dowladda ka soo gaaray dagaalo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka,sida ay hadalka u dhigeen Al_shabaab.

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Abuu Muscab ayaa waxaa uu  beeniyay in wax weerar ah uu ka dhacay degmada jilib ee gobalka jubbada dhexe.

“Waa been aan sal iyo raad midna lahayn sheegashooyinka cadowga ee ku aadan in ay beegsadeen xarumo ay Mujaahidiintu leeyihiin, Waxaana idiin xaqiijinayaa in aanu jirin wax weerar ah oo ka dhacay degmada Jilib iyo xitaa Jubada dhexe oo uu fuliyey cadowga” Ayuu yiri Sheykh Abuu Muscab.

C/raxmaan Yariisow Wasiirka Wasaarada warfaafinta Xukuumada Soomaaliya  ayaa hadal uu ku soo qoray bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in howl gal ay qaadeen ciidamada dowladda ay ku burburiyeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin gobalka jubada dhexe.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment