990 Views

Boqorka dalka Jordan Cabdullah iyo dhaxal sugihii hore ee dalkaas Amiir Xamza oo meel lagu wada arkay

Boqorka dalka Jordan Cabdullah iyo dhaxal sugihii hore ee dalkaas Amiir Xamza oo meel lagu wada arkay
____________________________________________________________________________

April 11-4-2021

Boqorka dalka Jordan Cabdullah iyo dhaxal sugihii hore ee dalkaas oo sidoo kale walaalkiis ah Amiir Xamza ayaa meel lagu wada arkay markii ugu horreysay tan iyo intii uu muranku soo kala dhex galay, iyagoo maanta ka wada qeyb galay xafladda sanad guurada 100-aad ee xornimada dalkaas.

Warbaahinta dowladda ayaa soo bandhigtay sawirrada qoyska boqortooyada oo ku sugan aqalka Raghdan ee Amman.

Xamza ayaa Isniintii la soo dhaafay sheegay inuu daacad u noqonati Boqor Cabdalla kaddib markii ay dhexdhexaadin ka dhex sameeyeen qoyska boqortooyada, labo maalmood kaddib markii milatarigu uu uga digay inuu ku dhaqaaqo falal ay ku sheegeen inay wiiqayaan ammaanka iyo xasiloonida Jordan.

Arbacadii la soo dhaafay, Boqorka Jordan ayaa sheegay in meesha laga saaray is maandhaafkii ka dhex taagnaa isaga iyo walaalkii oo ay isku aabbe yihiin isla markaana Xamza uu boqortooyada kula sugan yahay qoyskiisa.

Balse maqnaanshaha Xamza kaddib markii uu ka soo muuqday muuqaal 3-dii April kaas oo uu ku sheegay in la geliyay xabsi guri ayaa dhalisay shaki laga muujiyay halka uu ku sugan yahay.

Milatariga ayaa toddobaadkii la soo dhaafay uga digay Xamza ficillada uu sameynayo, dowladda ayaana sheegtay in Xamza uu xiriir la leeyahay dad ajnabi ah oo doonaya inay xaislooni darro ka abuuraan Jordan isla markaana baaritaan lagu hayo.

Xamza ayaa aad loo filayay inuu xilka boqornimada ka dhaxlo Abdullah, ilaa ay markii dambe booqrtooyadu ay taajka dhaxalsugenimada saartay Amiir Xuseen sanadkii 2004, iyadoo la raacayo dhaqanka qoyska.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post