837 Views

Booliska oo sheegay in Muqdisho ku qabteen Shabakado Shabaab ah

Booliska oo sheegay in Muqdisho ku qabteen Shabakado Shabaab ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 18, 2020–Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhame Sadiiq Adan Cali ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ay Ciidamada ka sameeyeen Magaalada Muqdisho,howlgalladaas oo uu sheegay in lagu burburiyay Shabakado ka tirsan Al-Shabaab oo falal amni darro geysanayay.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Amniga burburiyey Shabakado ama rag is aruursaday oo ka tirsanaa Al-Shabaab,islamarkaana agagaarka Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ka sameysteen goob dadka looga kireeyo cajaladaha Filimaanta iyo heesaha ( Studio) ,kuwaas oo uu sheegay inay dhibaato ku hayeen nabadgelyada Guud ee dalka.

Sidoo kale Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho waxaa uu sheegay in 15-kii Bishaan Xaafada Dabakaayo Madob lagu qabtay Nin uu Magaciisa ku sheegay Xasan Cabdullaahi Salaad,kaas oo uu sheegay in uu dilal qorsheysan ka fuliyay degmadaasi Dharkeenleey sidoo kale uu kasoo howlgalay Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ka hadlay dilkii 16-kii Bishaan agagaarka Isgoyska Ceelgaabta loogu geystay Cumar oo ahaa Aabe lahaa miis alaabo kala duwan lagu iibiyo,waxaana uu sheegay in ninka dilka geystay uu ahaa askari ka tirsan Ciidamada Booliska,kaas oo uu sheegay in uu horay u geystay fal dambiyeedyo kala duwan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post