1401 Views

Salaad Cali Jeelle Oo Ka Digay In Muqdisho Uu Ka Dhaco Banaanbax Looga Soo Horjeedo Dowladda

Salaad Cali Jeelle Oo Ka Digay In Muqdisho Uu Ka Dhaco Banaanbax Looga Soo Horjeedo Dowladda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 16, 2019–La-Taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa waxaa uu sheegay in uu maqlay warar sheegaya in Magaalada laga qorsheynayo in uu ka dhaco Banaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.

Salaad Cali Jeelle oo warbaahinta kula hadlay Magalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Banaanbaxaas ka dhanka ah dowladda ay qaban qaabinayaan Siyaasiyiin uu ku sheegay inay Mucaarad ku yihiin dowladda,isla markaana waxa uu sheegy in marna aan la aqbali doonin in shacabka Soomaliyeed la dhibaateyo.

saga oo hadlaayay ayuu sheegay in Siyaasitiinta Mucaarad ku ah dowladda uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Shirmaake oo ku sugan  Dalka Imaaraadka Carabta,kaasi  oo xusay in uu qeyb ka yahay dadka abaabulaya Banaanbax ka dhacaya Muqdisho.

Ugu dambeyntii La-Taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa tilmaamayn in banaanbaxaas loo adeegsanayo dadka barakacyaasha ah ee kunool Muqdisho,isagoona sheegay in la siinayo lacago farabadan si dowladda uga soo horjeystaan,hayeeshee waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka joogaan arrimahaaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment