927 Views

Laba dal ayay kala matalayeen laakiin ”Somaalinnimo” ayay isku garabsadeen

Laba dal ayay kala matalayeen laakiin ”Somaalinnimo” ayay isku garabsadeen
____________________________________________________________________________


August 8, 2021

Waxaa baraha bulshada laga hadal hayay orodyahanadii Soomaalida ahaa ee u kala tartamayay dalalka Netherlands iyo Belgium.

Waxaa la arkayay Cabdi Nageeye oo matalayay Netherlands oo ku gacan haatinayay Bashiir Cabdi oo ka dambeeyay xilli ay ordayeen.

“Waxaan nahay labo wiil oo Soomaali ah hadduu iga horreeyay maanta ama maalmihii hore aan ka horreynayay , wax macno ay noogu fadhido ma laha ..waa is dhiiregelin, Soomaali haddan nahay waan is dhiirigelinaa meel kasta oo aan kala joogno ” ayuu yiri Bashiir Cabdi oo BBC-da u warramayay.

“Maanta kolba soo soco, wax yar baa inoo haray, hortaada fiiri..kolba ereyo ayuu ii sheegayay oo dhiirigelin ii ahaa”

Nageeye iyo Bashir waxay kala galeen kaalmaha labaad iyo saddexaad xilli aroortii hore ee saaka ay dhacday tartanka orodka dheer ee Maradoonka ee ciyaaraha Olympicada adduunka ee Tokyo 2020.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post