1392 Views

Taliska Booliska Somali Oo Ka Hadlay Qaraxii Caawa Ka Dhacay Gaalkacyo.

Taliska Booliska Somali Oo Ka Hadlay Qaraxii Caawa Ka Dhacay Gaalkacyo.
____________________________________________________________________________

May 18 2021


Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo fiidnimadii Caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Maamulka Galnudug, kaasi oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah xaafadaha Magaaladaas.

Dad ku sugan Gaalkacyo ayaa kusoo warramay in qaraxaas uu fuliyey qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, uuna la socday Mooto Bajaaj, waxaana qaraxaas uu  dhacay xili Mootada ay mareysay agagaarka Hotelka embassy.

Taliska Ciidanka Booliska Gaalkacyo oo la hadllay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in qaraxa ay ku dhinteen oo kaliya saddex ruux oo saarnaa Mooto Bajaaj oo mid kamid ah dadkaas uu isku soo xiray qaraxa.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaalada ayaa ku sugan halku qaraxu ka dhacay, isla markaana wada baaritaano kala duwan oo ku aadan qaraxaas ka dhacay Gaalkacyo dhinaca xiga Maamulka Galmudug.

Qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa xiliyada qaarkood ka dhaca Magaalada Gaalkacyo, waxaana halkaas horey uga dhacay qaraxyo lagu dilay dad mas’uuliyiin, waxaana inta badan qaraxyadaas sheegtay Al-shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post