522 Views

Guddoomiye Ku-xigeenka Gobalka Banaadir oo kulan la qadatay Guddiga Abaaraha

Guddoomiye Ku-xigeenka Gobalka Banaadir oo kulan la qadatay Guddiga Abaaraha
____________________________________________________________________________

Isniin: January 17, 2022

Gurmadka Abaaraha Gobolka Banaadir oo shir la qaatay Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) ayaa maanta warbixin looga dhageystay Guddiga Abaaraha Gobolka Banaadir oo maalmihii ugu danbeeyay ku mashquulsanaa sidii xog dhameystiran ay ugu keeni lahaayeen isla markaana gargaar u gaarsiin lahaayeen dadka Abaaraha ay soo saameeyeen ku wooda soo gaaray Gobolka Banaadir.

Guddiga Abaaraha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isla qaatay in loo wada istaago Dowladda, Ganacsato iyo Shacabka sidii loogu gurman lahaa dadka ay Abaarta saameesay, isla markaana loo xaqiijiyay habsami u socodka iyo waxtarka howlaha Gurmadka abaaraha ee ka socda Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Maamulka oo ku baaqay in kulan Duco iyo Roob doon ah la qabto si ebbe nooga dul qaado Abaaraha ka jira guud ahaan dalka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post