999 Views

SAWIRO: Duqa Muqdisho oo kulan gaar ah la qaatay ku xigeenadiisa

SAWIRO: Duqa Muqdisho oo kulan gaar ah la qaatay ku xigeenadiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogoosto 31, 2019 –Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Cumar Filish) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay gudoonka sare ee maamulka gobolka Banaadir.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid uu duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish kala hadlayay guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir in la dardargaliyo howlaha ay dowlada hoose Xamar ugu qidmeyneyso bulshada ku dhaqan caasimada jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulankani ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa xoojinta islaxisaabtanka iyo ladagaalanka musuq maasuqa taas oo qeyb ka ah siyaasada guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Cumar Filish) oo 29-ka bishan August la wareegay xilkaasi.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment