630 Views

Puntland oo war xasaasi ah kasoo saartay dagaalka Boosaaso kuna celisay

Puntland oo war xasaasi ah kasoo saartay dagaalka Boosaaso kuna celisay
____________________________________________________________________________

khamiis December 23, 2021

 Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa markale looga hadlay xiisadda dagaal ee haatan ka taagan magaalada Boosaaso, taas oo u dhexeyso ciidamada maamulkaasi iyo kuwa PSF-ta.

Puntland ayaa qoraalkan ku sheegtay in agaasimihii xilka laga qaaday ee hay’adda PSF uu hurinayo colaad ka dhacda Boosaaso isla-markaana uu hoobiyeyaal la dhacayo magaalada.

Sidoo kale waxay Puntland shaaca ka qaaday inay marweliba ka go’an tahay illaalinta dowladnimada iyo sarreunta sharciga.

“Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxaa mar wal ba ka go’an illaalinta dowladnimada ku dhisan sareynta sharciga. Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in Agaasimihii hore ee PSF uu hurinayo colaad ka dhacda Magaalada Boosaaso, asagoo si aan kala sooc lahayn Magaalada ugu duqeynaya hoobiyaal ka mid ah hantida PSF ee laga sugayo inuu xilkeeda wareejiyo,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

https://0d4939cf001b29a0e8d7cb56ae3e2ee5.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Qoraalkan ayey sidoo kale madaxtooyada Puntland ku sheegtay inay dooneyso in si nabad ah lagu dhammeeyo xiisadda ka dhalatay xil wareejinta agaasimaha hay’adda PSF-ta.

Ugu dambeyn Puntland ayaa ku celisay inay waqti siineyo dadaallada nabadeed ee haatan socda, isla-markaana ay dhankeeda qaadeyso wixii tallaabo ah oo lagu fududeyneyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post