1014 Views

Shir loogu magac daray hanaanka dhab u heshiisiinta oo ka furmay Muqdisho

Shir loogu magac daray  hanaanka dhab u heshiisiinta oo ka furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

 Isniin: December 6, 2021

Waxaa maanta magaaladda Muqdisho ka furmay Shirka soo bandhigista iyo Ansixinta Istiraatiijiyadda xiriirka ee hirgalinta Qorshaha Hanaanka Dhab u Heshisiinta Qaran, kaasi oo socon doona muddo labo cisho ah oo ka bilaabaneyso 06 illaa 7-ka bishan December 2021, waxaana shirka soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa goob joobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay, agaasimayaal ka socda Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, Ururada bulshada Rayidka, Bahda Saxaafadda iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane Saciid Cabdullahi Calasow oo daah furay shirka ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in laga talo geliyo bulshada Soomaaliyeed Istiraatiijiyada xiriirka ee hirgalinta Qorshaha Hanaanka Dhab u Heshisiinta Qaran.

Ugu dambeyntii Agaasimaha Guud ayaa sheegay in lagama maarmaan u tahay in Bulshada Soomaaliyeed la gaarsiiyo hanaanka Dhab u Heshisiinta Qaran.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post