723 Views

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo amarsiiyay gudoomiyeyaasha gobolada

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo amarsiiyay gudoomiyeyaasha gobolada
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 27|  2020—Ku-simaha madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ahna madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan (karaash), ayaa maanta shir usoo xiray degmooyinka iyo gobolada puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee jplg.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (karaash), ayaa boggaadiyey mashaariicda horumarin ee ka socda degmooyinka, wuxuuna faray masuuliyiinta sii dardargelinta horumarka, xoojinta wada-shaqeynta degmooyinka iyo gobolada iyo dhaqangelinta sharciga cusub ee dowladdaha hoose ee law-7 si uu hirgalo qorshaha maamul daadejinta.

Shirkaan oo maalmo socday waxaa ka qeyb-galay maayarada degmooyinka, isu-duweyaasha, guddoomiyeyaasha gobolada puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee jplg, machadka dowladdaha hoose ee puntland, wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dimuqraadiyeynta puntland oo shirka soo diyaarisay iyo wasaaraddaha kala shaqeeya mashaariicda horumarin ee degmooyinka.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post