1233 Views

Madaxda maamul-goboleedyada oo Magaalada Muqdisho ku soo qulqulaya

Madaxda maamul-goboleedyada oo Magaalada  Muqdisho ku soo qulqulaya
____________________________________________________________________________

Sabti: 26 2021

Waxaa magaalada Muqdisho ku sii qulqulaya madaxda mamaul-goboleedyada, oo la filayo inay ka qyeb galaan shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Shirkan oo uu ku baaqay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxay ahayd inuu qabsoomo maanta oo Sabti a, balse waxaa la sheegay inuu u baaqday sababo la xiriira dabaal degga munaasabadda 26-ka June.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray Muqdisho.

Xafiisyada dowladda ayaa maanta fasxa ah, xalayna Muqdisho waxaa ka socday dabaal-degyo loogu talo galay maalinta 26-ka JUne.

Waxay ka wada arrinsan lahaayeen wixii ka qabsoomay shirkii ay 27-kii bishii hore ku yeesheen Muqdisho.

Waxaa haatan lagu wadaa in shirku uu qabsoomo berri oo Axad ah

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post