1038 Views

Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay Nin Haweeney toorey ku dilay

Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay Nin Haweeney toorey ku dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 18 2019 —Ciidamada Booliska Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa  waxaa ay gacanta ku dhigeen Nin Tooreey ku dilay mid ka mid ah Haweenka Ganacsatada ah ee Magalada Baladweyne.

 

Dilka ayaa yimid, kadib markii Haweeneyda oo lagu Magacaabi jiray Xaliimo Ilyaas oo qaad ( Jaad) iibineysay iyo Ninka dilka geystay ay wada murmeen taas oo keentay in uu tooreey ku dhufto,waxaana la sheegay inay Isbitaalka ku geeriyootay.

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ninka uu Haweeneyda doonayay in uu qaadka( Jaadka) si xoog ah uu uga qaato,hayeeshee taasi ay diiday,waxaana Ninka uu isku dayay in uu baxsado,hayeeshee Ciidamo Boolis ah oo goobta ka agdhawaa ay gacanta ku dhigeen.

 

Dhacdadaan oo ku cuusb Magalada Baladweyne ayaa waxa aad uga naxay ehelada Haweeneyda Tooreyda lagu dilay,waxaana Saraakiil Ciidan ay sheegeen in Ninka dilka geystay cadaaladda la horgeyn doono.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment