657 Views

Hoos u dhaca taranka Talyaaniga ee COVI-19 uga sii daray

Hoos u dhaca taranka Talyaaniga ee COVI-19 uga sii daray
____________________________________________________________________________

June 10 2021

Micaela Pisanu iyo Pino Cadinu, beertooda canabka ah ee ku taal buur hoosteed oo ku taal Sardinia ayaa uga baahan in ay jacayl iyo daryeel badan geliyaan. Sidaas ayay qorshadoodii ahaa in ay ilmo hdalaan sida lamaaneyaal badan oo Talyaani ah u dareemeen in ay qasab ku tahay in ay dib u dhigaan.

Lamaanahan reer Sardinia ee mashquulka ahi waxay qorsheeyeen in ay qoys yagleelaan sannadkii hore. Laakiin waxaa dillaacay safmarkii kaas oo baarkii ay lahayd Micaela in la xidho kalifay imikana waxay labdooduba ka shaqeeyaan beeryar oo canabku ka baxiyo oo uu ku taal dhulka tigaadda magooshay ka buuxdoo ku taal meel ka saraysa magaalada Mamoida oo ay nolol maalmeedkoda kala soo baxaan oo waxay dib u riixeen rajadoodii ahayd in ay ilmo dhalaan.

“Aad bay u dag tahay marka aad doonayso in aad ilmo dhasho laakiin aad dareento in aanad karayn sababta oo ah hubanti la’aanta mustaqbalka” ahay tidhi Micaela. “Waxba la iskuma halayn karo oo hadii aan shaqo helo oo aan uur qaado oo aan shaqadaa waayo si waayuhu noqon doonaan ma malayn karo. Dadku imika labaatan goor bay suaalo is weydiinayaan inta aanay ilmo dhalin”.

Tirada dhismashada oo ka badan tirada dhalashada

 

Culayskooda waxa laga dareemayaa dalka oo dhan, waa arin curyaamisay xadida dhalashada oo haatan maraysa halkii ugu hoosaysay tan iyo markii Talyaanigu midoobay 1861. Hoos bay u dhacaysay sannad walba tan iyo 2008 markii hoos u dhaca dhaqaale dhacay.

Laakiin Covid-19 ayaa accentuate uga sii daray hoos u dhacaa waxaana u dheeraa saamayntii dhaqaale xumada iyo xaddiga furiinka oo aad u kordhay sababaha qaarkoodna yihiin in lamaaneyaashu gurigii isugu keliyeysteen.

Iyada oo ahayd in ka badan 400,0000 sannadkii hore ayaa tirada dhimashada ee Talyaanigu ka badatay tirada dhalashada taasinay waxay keentay in tirada bulshadu is dhinto 384,000 oo u dhiganta tirada dadka ku nool magaalada Florence oo ifka laga waayey.

Lamaanahani waxay la nool yihiin Pino hooyadii oo ah jiilkii waagii taranku aadka u badatay dagaalkii ka dib dhashay waxaanu Pino sheegay in ay maarayn karayeen qoysk yo shaqo. “laakiin jiilkayagan in guri la iibsado, in dhul la yeesho oo lacag ku filan la helo si caruurtaada aad fursado ugu abuurto ayaan suurto gal ahayn”.

Waa dhibaato soo foodsaartay Yurub oo dhan oo halis galin karta koboca dhaqaalaha. Hanaanka hawlgabka iyo adeegga bulshada.

Laakiin Talyaaniga oo ah dalka labaad dunida ee dadka da’da ahi ugu badan yihiin bulshadiisa oo muddo dheerna dhaqaalihiisu ragaad ahaa oo taasina keentay in 10% dadkiisu ay qurbaha ku noolaadaan ayaa si gaara ugu nugul.

‘Shaqo badani ma jirto’

 

Sardinia waa gobolka ay ugu hoosayso tirad dhalashad talka oo dhan. Qoyskiiba waxa ku soo hagaagaya wax ka yar hal ilmo.

Magaalada yar ee Gadoni ee ku taala badhtama jasiirada, iskuulka 25 arday ayaa sannadka la iskugu keenay fasalka qudha maadaa oo aanay jirin fursad lagu kala saari karaa. Hal fasal 11 ilaa 14 jirka ayaa u wada fadhiya cashar oo qaadanaya xiisad ku saabsan hoos u dhaca taranta oo waxay baranayaan nolosha ay ku jiraan.

“Dadkii xagay u guureen?, ayuu macalin Marco Marras weydiiyey.

“Yurub” ayuu ku jawaabay arday, “Australia” ayuu mid kale yidhi.

Nicolas oo 11 jir ah ayaan shaki kaga jirin. “Dad badan ayaa fursado dibada u raadsaday taas oo macno la fahmi karo samaynaysa” ayuu yidhi “maadaama oo aanay halka shaqo badani ka jirin”.

Bilen oo ay isku fasal yihiin ayaa madaxa u ruxay “way fiican tahay in aanu fasal kula jirto ardayda fasallada kale ahayd sababta oo ah anagaa ka badan” ayuu yidhi “waa lagu diiqadoon lahaa hadii aanu dhawr of oo keliya nahay”

Mustaqbal adag oo Sardinaya soo food saaray

Iskuulkaan mustabqlkiisu waa mugdi. Maadaama oo aanay caruuri ku dhalan Gadoni sanadkiihore sannadkan 2021 aan la filayn waxa jirta halis ah in iskuulkan kama daybaysta la xidhi doono.

Waadhadhka dhalmada ayaa sidoo kale isku dayay in aanay xidhmin. Waxaanu booqanay mid ku yaal magaalada koonfureed ee Carbonia laba caruura oo haatan dhashay oo gaajoonaya ayaa ku jira oo ay hareero yaalaan xoolal madhan.

Sanadkii hore caruurta ku dhalatay waxay in yar uun ka hoosaysay 500 imika se waa la xidhi kraa ayay tdhi Debora Porra oo ah duqa magaalada u dhaw ee isbitaalkan adeega siisa.

“Hadii sidan wax u socdaan qiyaastu waxa weeyi in Talyaaniga tiradiisu ay is dhimmi doonto rubuc soddonka sano ee soo socda” ayay tidhi.

Haatan waxay bilaabayaa in ay dhibaatadan wax kaga qabtaa “qorshaynta qoyska” oo cusub oo ay dawladu kharashka ku baxaya binayso oo laga jarayo dhaqaalah Midowga Yurub ugu talo galay ka soo kabashada Covid.

Waxaa ka mid noqon doonaa in la maal geliyo taageerada la siinayo dadka caruur dhalay iyo iskuulo maalintii caruurta lagu daryeelo. Laakiin way adagtahay in sida wax yihiin haatan wax laga bedelo.

Korodhka xirfadleyaasha ka haajira Talyaaniga

Safmarku wuxuu furay dhan kale oo arinta laga eegi karo waxaana jirta qiyaas ah 100,000 oo Talyaani ah oo qurbaha u baxay oo ku soo noqonaya Talyaaniga

Qaarkiid waxay la soo noqdeen macal qoysaskoodu kuwo kalena shaqo uun bay u oso noqdeen.

Magaalda yare e buuraleyda ku taal ee Lollove, Simone Ciferni ayaa dhawaan ka furay huteel ku yaal beer uu leeyahay oo uu u bixiyey Lollovers oo ah “goob la isku dacar bixiyo”. Wuxuu wax ku bartay oo ka shaqayn jiray Ingiriiska, Mraykanlka iyo Koonfur Afrika ka hor in tii aanu go’aansan inuu ku noqdo tuuladiisii oo 13 qof ku nool yihiin oo badankeeda guryo dhagaxa oo laga guuray ka buuxaan.

“waa sida keliya ee magaaladan lagu badbaadin karo” ayuu rumaysan yahay “waxaan u haystay in aan dhimandoonto hadaanan ku soo noqon oo aanan halkan wax ka samayn. Talyaniga waxaa ku yaal 5000 oo tuulo oo lollove la mid ah oo tobanka sano ee soo socda baabi’I doona.”.

Isagoo riyihiisa wax siinaya ayuu qirtay in qurbuhu soo jiidanayo “waxaan u baahannahay in aan dunida marno si aan u soo aragno waxa xiisaha leh oo dhan laakiin hadana waa waajib inaan dib u soo noqono oo aan hidaha ilaalinaa”

Qayb ahaan waxa la hakiyey xirfadleyaasha ka haajiray dalka, laakiin waa dhibic bad ku dhaday marka la eego hoos u dhaca tirada dadka ee dalka.

Muuqaalkii soo jireenka ahaa ee ahaa in Talyaanigu dhaqan u leeyahay qoysas tiro badan ayaa haatan noqday wax laga guuray oo wax ala isku dacaayadeeyaaba in aan dalkani ka soo kaban dooni hoos u dhaca taranta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post