558 Views

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo saakay xiray qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee Magalada muqdisho.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo saakay  xiray qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee Magalada muqdisho.
____________________________________________________________________________


Sabti: December 25, 2021

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xireen qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee Magalada muqdisho, iyaga oo u diidaya Gaadiidka daweynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay iyo Mooto Bajaajta inay wadooyinka qaar  isticmaalaan.

Wadooyinka muhiimka ah ee Maanta xiran ayaa waxaa kamid ah qeybo kamid ah wadada Maka-Almukarama,Wadooyinka soo gala degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi iyo Wadada Isgoyska Jubba, iyada oo lagu arkayo Ciidamada Dowladda oo u diidaya isticmaalka gaadiidka kala duwan.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada ay inta badan fasaxayaan Basaska wada Ardayda Iskuulada u socda iyo gawaarida lagu wado dadka xanuunsan, hayeeshee Gaadiidka caadiga ah ee dadweynaha loo diidayo inay wadooyinka qaar maraan.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 25-ka December  waxaa lagu waddaa in loo dabaal dego maalinta aas aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed oo dib loo dhigay muddo Shan maalmood ah, waxaana lagu waddaa in uu ka qeyb galo Madaxweynaha Muddo xileedkiiso dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post