696 Views

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in dadaal wadajir ah loo qaado horumarinta Soomaaliya

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in dadaal wadajir ah loo qaado horumarinta Soomaaliya
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | December 15, 2020 –Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dowlada Soomaaliya si loo xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah ee ku saabsan qorshaha Belt and Road Initiative (BRI) si ay uga faa’iideystaan dadka labada dal.

Xi ayaa hadalkan ka sheegay isweydaarsiga dhambaallada hambalyada ah ee uu u diray dhigiisa Soomaaliya oo loogu dabaal degayay sanad-guurada 60-aad ee xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Lixdankii sano ee la soo dhaafay, Xi wuxuu xusay in Shiinaha iyo Soomaaliya ay waligood isfahamsanaayeen, iscaawinayeen oo ay is taageereen si kasta oo ay xaaladda caalamku isu beddesho.

Wuxuu xusuustay in intii lagu guda jiray shirkii Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) ee Beijing bishii Sebtember 2018, oo ku saabsanaa horumarinta xiriirka labada dal, iyo in tan iyo bilowgii COVID-19, ay labada dhinac gacmaha is qabsadeen si ay ula dagaallamaan aafada.

Waxaa uu carabka ku adkeeyay inuu ahmiyad weyn siinayo horumarinta xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Xi wuxuu ku baaqay dadaal wada jir ah in loo qaado sanadguuradii 60aad fursad u ah kor u qaadista hirgelinta natiijooyinka Shir Madaxeedkii FOCAC ee Beijing iyo Shirkii aan caadiga ahayn ee Shiinaha iyo Afrika ee ku saabsan midnimada COVID-19, iyo kobcinta iskaashiga labada dhinac ee BRI, si faa’iidooyin loogu helo dadka labada dal.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post