1134 Views

Xildhibaan Sharcidarro ku tilmaamay Qoraalkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Xildhibaan Sharcidarro ku tilmaamay Qoraalkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 19,, 2019  –Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay soo saartay War-saxaafadeed ay uga hadashay in ay xiligeeda ku dhaceyso doorashada Galmudug,iyada oo ku baaqday shir dib u heshiisiin ah,waxaana qoraalkaas ka horyimid Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu yahay mid leh Dastuur,isla markaana aysan faragelin Karin dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Galmudug waa dowlad goboleed dhisan oo leh dastuur u gaar ah, madax la doortay iyo maamul lagu heshiiyay. Sidaas daraadeed, Wasaarada Arimaha Gudaha door toos ah iyo mid dadban midna kuma lahan faragelinta doorashooyinka dowlad goboleedyada. War Saxaafadeedka xalay saqdii dhaxe kasoo baxayna malahan wax sal sharci ah oo la daliishado ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salad.

Si kastaba War-saxaafadeedkii xalay kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya weli dhankooda wax jawaab ah kama bixin Madaxda ugu sareeysa Dowlad Goboleedka Galmudug.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment