480 Views

Reer Galbeedka oo soo dhaweeyay go’aanka Jarmalka uu Ukraine ku siinayo taangiyada aan xabada karin

Reer Galbeedka oo soo dhaweeyay go’aanka Jarmalka uu Ukraine ku siinayo taangiyada aan xabada karin
____________________________________________________________________________

Khamiis: January 26, 2023 

Go’aanka Berlin ay taangiyada ugu dirayso waddanka Ukraine ayaa waxaa soo dhaweeyay dalalka xulafada la ah oo ay ku jiraan Poland, taas oo doonaysa in dhabbahaas ay soo qaadaan Faransiiska iyo Britain.

Ra’iisul wasaaraha Britain Rishi Sunak, ayaa sheegay in Jarmalka uu qaatay go’aan sax ah, waxa uu intaasi ku daray in xulafada Ukraine ay dardargelinayaan dedaallada lagu xaqiijinayo inay dagaalkan ku guulaysato oo ay ku gaarto nabad waarta.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale tilmaamay in Washington ay ansixin doonto in Kyiv loo diro taangiyada Ameerikaanka.

Dhanka kale madaxa shaqaalaha ee madaxweynaha Ukraine, ayaa soo dhaweeyay go’aanka Jarmalka uu taangiyada dalkooda ugu soo dirayo.

Andriy Yermak ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay middii koobaad oo nooceeda oo kale ah, waxaana uu ku baaqay in la sameeyo isbahaysiga taangiyada.

Hasayeeshee afhayeen aqalka Krimlinka, Dimitry Pespov, ayaa sheegay in taangiyada reer Galbeedku lagu gubi doono goobaha dagaalka.

Tallaabooyinkan ugu dambeeyay ayaa soo baxayay, kaddib markii hogaamiyaha waddanka Jarmalka, Olaf Scholz, ayaa xaqiijiyay in dowladdiisa ay dhiggeeda Ukraine siin doonto taangiyada Leopard TWO, sidoo kalana ay dalalka kale u ogolaan doonaan inay taangiyadaas Kyiv siiyaan.

Bayaan ka soo baxay Mr Scholz ayaa lagu sheegay in waddanka Jarmalka uu wajiga koobaad Ukraine ku gayn doono 14 taangi, hasayeeshee qorshuhu uu yahay in wax badan dalkaas la geeyo.

Waxa uu bayaanka intaas ku daray in Berlin ay si degdeg ah u bilaabi doonto tabarka ciidammada Ukraine ee taangiyadaas ku dagaalami doona.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post