258 Views

Jaamacadda Accord oo lagu amaanay kaalinteeda waxbarashada casriga ah

Jaamacadda Accord oo lagu amaanay kaalinteeda waxbarashada casriga ah
____________________________________________________________________________

iSNIIN, 19 DECEMBER: [QARANIMO ONLINE] Jaamacadda Accord faraceeda Muqdisho  ayaa soo jiidatay indhaha ardayda ku dhaqan Muqdisho, iyada oo si weyn loo hadal hayo habka casriga ah ee wax looga barto Jaamacadda.

Caasho-keyf Saciid Xassan oo ka tirsan ardayda wax ka barata Jaamacadda, ayaa sheegtay in Jaamacadda Accord u fududeeysay in ay waxbarashadii ay ku haysatay dalka Ingiriiska oo ay ku nooleyd in ay ka heshay.

“Muqdisho dariiq kastaba waxaa ka furan Iskuul & Jaamacad, inkastoo magaca ay wada wataan haddana waxeey ku kala duwan yihiin tayada [Quality]. Jaamacadda Accord habka casriga ah ee ay wax u barto waxba kama duwana habka wax looga barto Jaamacadaha & iskuulada London, New York & Paris” Ayeey tiri Caasha keyf waxayna intaasi raacisay in waxbarashadu  qeyb weyn ka qaadaneyso sidii loo heli lahaa bulsho isu damqata, dalkeedana jecel.

“Qaran-jabkii innagu dhacay dhibaatadii uu keenay ayeey ka mid tahay in shaqsiyaad doonaya in ay dhaqaale un ka sameeyaan in ay waxbarashadii la wareegeen, waxbarshadu waa meelaha haddii lagaa soo maraa lagugu sameyn karo [brain wash] waxay aheyd Dowladdu in iyadu dejiso nidaamka waxbarasho, kuna ilaaliso iskuulada, balse hadda wax waliba waxay noqdeen jaantaa-rogan” Ayeey tiri Caasho-keyf, waxayna soo jeedisay in iskuulada & jaamacadaha tirada badan la baa’biyo, lagana soo reebo tiro yar oo tayo leh.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post