588 Views

DFS oo lacag loogu talo galay Abaaraha ku wareejisay Dowlad Goboleedyada

____________________________________________________________________________

Guddigii Gurmadka Abaaraha ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa bilaabay qeybinta qoondadii lacageed ee Dowladdu ugu talo gashay gurmadka abaaraha.

Guddiga oo ay guddoomiye u tahay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XFS Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta gargaar  lacageed oo loogu talo galay dadka abaaruhu saameeyeen  ku wareejiyay   Dowlad-goboleedyada dalka .

Munaasabadda wareejinta qoondadan oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa  ka soo qeyb galay Wasiirrada gargaarka ee Dowlad-goboleedyada iyadoo ay goobjoog ahaayeen xubnaha wasiirrada ah ee Guddiga Gurmadka abaaraha.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay munaasabaddii qeybinta qoondada lacageed ee dowladdu ugu talo gashay gurmadka abaaraha.

Sidoo kale Wasiir Wasiirka Gargaarka ee Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya oo ku hadlay magaca dowlad goboleedyada ayaa uga mahadceliyay dowladda gurmadka ay soo gaarsiisay, isagoo ballan qaaday in la gaarsiin doono dadkii loogu talo galay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post