1458 Views

Gabdho Somali-British Oo Cadaadis Lagu Saaray Inay Bixiyaan Kharajka Dib Loogu Celiyey Dalkaasi

Gabdho Somali-British Oo Cadaadis Lagu Saaray Inay Bixiyaan Kharajka Dib Loogu Celiyey Dalkaasi
____________________________________________________________________________

Wargeysku waxa u uqoray in 7 gabdho Dhibanayaal ah oo da’doodu u dhexeyso 17 ilaa 22-jir la soo badbaadiyey, laguna soo celiyey Britain sannadkii 2017-kii.

Wargeyska The Times waxa kale oo uu qoray in Haweenkaasi da’da yar ee lagu soo celiyey Britain inay khasab looga dhigay  inay bixiyaan Kharajka ku baxay Safarkooda soo-celinta ahaa.

4 Haween oo Somali-British ah oo laga soo badbaadiyey Dugsiyo ku yaalla Somalia ayaa waxaa loo sheegay inay mid kasta bixiso lacag dhan 740 Giniga Ingiriiska oo u dhiganta 940 Dollar ama 820 Euro.

Gabdhaha Dhibanayaasha ee dib loogu celiyey dalka Britain waxaa loo sheegay inay dib u bixiyaan Kharajkooda Duullimaadka, Cuntadda iyo Hoyga.

Gabdhahasi kuwa ay da’dooda ka sarreyso 18-jir ee aan Kharajka iska bixin karin waxaa loo sheegay inay si degdeg ah ugu saxiixaan Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Britain Heshiisyo Amaaheed oo looga bixinayo Kharajka lagu soo dallacay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment