813 Views

Golaha Wakiilada Puntland oo ansixiyay Xeer qabanaya mas’uuliyiinta Xukuumadda

Golaha Wakiilada Puntland oo ansixiyay Xeer qabanaya mas’uuliyiinta Xukuumadda
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada Puntland.
Ajandaha kulanka ayaa ahaa ka doodista wax-ka-bedelka Xeerka Khamriga iyo Xashiishadaha oo Goluhu ka doodeyey maalintii 2aad, kadibna markii Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha ,Diinta iyo Dastuurku oo wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyey xeerkan.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaana qodob-qodob uga doodayey, una ansixiyey si waafaqsan qodobka 70-aad ee Dastuurka Maamulka Puntland.
Xeerka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya ciqaabta iyo ganaaxyadda ay muddan karaan haddii lagu qabto shaqaalaha Maamulla, mas’uuliyiinta Xukuumadds ee Xasaanadda leh iyo kuwa aan laheyn, Ciidamada Nabad-gelyada, Guryaha lagu iibiyo laguna kariyo maandooriyaha, hubka lagu soo qabto hawl-gallada la dagaalanka maandooriyaha, lacagaha lagu soo qabto.
Intaa kadib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada  Puntland, wuxuu maanta Cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Wax-ka-bedelka Xeerka La dagaalka Maandooriyaha Puntland , waxaa Oggol ugu codeeyay 35, Diidmo 2 Mudane, haka aysan jirin cid ka aamustay.
Waxaa reebban sameynta, keenidda, beerista, gacan-siinta, isticmaalka iyo ka ganacsiga dhammaan noocyada Maandooriyaha sida uu qabo Xeerka.
Tallaabadaan ayaa kusoonaadeysa xilli Puntland ay qaati kantaagan tahay isticmaalka iyo ka Ganacsiga Maandooriyeyaasha Khamriga iyo xashiishka oo maalmihii la soo dhaafay la dagaalameysay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post