1902 Views

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Oo Soo Bandhigay Waxa Sabab U Ah Dilalka Ka Dhaca Muqdisho

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Oo Soo Bandhigay Waxa Sabab U Ah Dilalka Ka Dhaca Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 25, 2018Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxa uu ka hadlay falalka amnidaro ee ka dhacaya Magalada Muqdisho iyo waxa sababta u ah xilligaan.

Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in ay jiraan sababo dhowr ah oo kaliftay in dad si micnadaro ah maalin kasta Magaalada Muqdisho loogu dilo dad Shacab ah.

“Hadii aan howlgal la sameyn oo aan ciidankii lagu hoggaamin inay dagaal qaadaan oo Ciidanka magalada lagu dhex haayaa waxa ay sababeysaa in maalin walba uu dhinto qof rayid ah,wiilka bajaajka wata iyo dad kale ayaa dhimanaya ayuu yiri Guddoomiye Shuute.

Waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday dilkii dhawaan gudaha Jaamacadda Soomaaliya(Uniso) loogu dhex gestay Haweeney ka mid aheyd Ardayda waxka barata Jaamacadaas.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment