912 Views

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo sheegay in ay Al-Shabaab ka saari doonaan degaanada Galmudug

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo sheegay in ay Al-Shabaab ka saari doonaan degaanada Galmudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 28–2019 | —Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga Dalka Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ay wehliyaan saraakiil ciidan oo uu ka midyahay Taliyaha qeybta 21aad Jeneraal Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje ayaa kormeer ku tegay Dugsiga Harqaboob ee Duleedka Magaalada Guriceel Gobolka Galguduud halkaasi oo lagu tababarayo Ciidan ka tirsan Xoogga Dalka.

 

Taliyaha oo Khudbad u jeediyay Ciidanka ayaa sheegay in ay qeyb ka noqon doonaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ay kaga sugan yihiin maamulka Galmudug,islamarkaana ay qiimeyn doonaan Xaaladda Ciidanka ka hor in aan dagaalka la qaadin.

 

 

 

Taliyaha iyo saraakiisha kale ee la socotay ayaa kormeer ku sameeyay Dugsigaasi, kaasi oo ay ugu kuurgalayaan xaaladda goobta lagu tababarayo ciidanka, waxaana uu tilmaamay in ahmiyadda koowaad ay tahay xaqiijinta Nabadgelyada, loona baahanyahay difaacidda dalkooda iyo ka shaqeynta midnimada.

 

“Alle ayaa mahad iska leh, waxaan uga mahadcelinayaa dhallinyaradii halkan nagu soo dhaweysay, ujeedka socdaalkeenu waa inaan kormeerno xarumaha ay ku suganyihiin ciidanka xoogga dalka qeybta 21aad, waxaan dhallinyarada ku dhiiri gelinayaa inay noqdaan hormuudka dalka, wadanka waxa uu u baahanyahay dhallinyaro aqoon leh sidiina oo kale”ayuu yiri Taliye Cabdixamiid Maxamed Dirir.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment