1071 Views

Dahir Gelle oo la kulmay guddi ka socda waalidiinta caruurtooda tababarka ciidan loogu qaaday Eritrea

Dahir Gelle   oo  la kulmay   guddi ka socda waalidiinta caruurtooda tababarka ciidan loogu qaaday Eritrea
____________________________________________________________________________

May 10 2021

Gudoomiyaha Xisbiga Dan Qaran musharrax madaxweyne danjire Dahir Mohamud Gelle  ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay  guddi ka socda waalidiinta ka cabanaya in caruurtooda tababarka ciidan loogu qaaday eritrea aysan wax war ah ka ahayn ee maalmahaan banaabaxyada ka dhigayeen magaalada Muqdisho. Guddiga oo sheegay inay wax badanna dowladda ka codsadeen inay xog ka siiyaan caruurtooda laakin aysan ka helin ilaa hadda.

Guddiga Waalidiinta ayaa si dhab ah uga xog warramay gudoomiyaha waxa ayna ka codsadeen in golaha midowga musharraxiinta oo uu afhayeen u yahay ay kaalin ka qaataan sidi ay xog uga heli lahaayeen caruurtooda.

Gudoomiyaha ayaa guddiga u balan qaaday in ay xoog badan gelidoonaan sidi caruurtaas xog looga heli lahaa haddii tababar ku jiraan loo marin lahaa habka ciidanka tababarka loo sameeyo oo aan cabashada nuucaan ah weli laga keenin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post